Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumada Farmaajo oo 4 Shuruudood oo siyaasadeysan ku xidhay Qaadka Kenya keento Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukumada Farmaajo oo 4 Shuruudood oo siyaasadysan ku xidhay Qaadka Kenya keento Somalia

 qaadka.jpg

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo hore xayiraado ugu soo rogtay qaadka ka imaan jiray dalka Kenya, sababo la xidhiidha Covid-19 ayaa go’aankaasi wuxuu saameyn xoogan ku yeeshay xukuumadda Kenyai iyo sidoo kale ganacsatada Qaadka ee wadankaasi Kenya.

Wargeyska The Business Daily ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu ka qoray xayiraada ay Soomaaliya saartay Qaadka ayaa soo bandhigay shuruudo uu sheegay in dowladda federaalka ay ku soo rogtay Qaadka maalin-walba uga imaan jiray dalkaasi.

The Business Daily ayaa shaaciyey illaa afar qodob oo Soomaaliya ay hor dhigtay Kenya, kuwaas oo kala ah:-

1 – In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed.

2 – In Kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya

3 – In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya, sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah.

4 – In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu leexiso Magaalada Wajeer taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya.

Dhinaca kale Wargeyka ayaa warbixintiisa ku xusay inuu go’aankan saameyn ku yeeshay ganacsatada Kenya, islamarkaana uu dhulka galay dhaqaalahooda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalab ay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya ay ku gacan saydhay, si looga qaado xayiraada.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay sii adkeysay xayiraadaha Qaadka ee saaraan duulimaadyada dalka Kenya, iyadoo digniin u dirtay diyaarado la sheegay in si qarsoodi ah Jaadka ku soo geliyaan dalka.

Halkan ka kahri warkaas oo English ku qoran:-

The Somali government has given Kenya five conditions ahead of lifting blockade of Miraa imports.

Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita) reckon that talks to end the Miraa stalemate has hit a snag and Somali has issued demands that must be addressed by Kenya.

The demands include; Kenya must treat Somalia as an equal, desist from interfering with Somalia’s internal affairs, apologise for violating Somalia airspace, allow in goods from Somalia including fish, rice, sugar, honey, meat and milk and Kenya stops forcing flights from Somalia to make a detour to Wajir for inspection.

Somali had also demanded government-to-government talks after it snubbed a delegation of traders and officials from Kenya crops regulator—Agriculture and Food Authority (AFA).

“Top government officials in Somalia said Kenya has been unresponsive to the issues. We are banking on President Uhuru Kenyatta to resolve the diplomatic tiff,” Nyamita chairman Kimathi Munjuri said.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this