Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Taliyaha ciidanka Harimacad oo la weeraray

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Taliyaha ciidanka Harimacad oo la weeraray

 haramacad.jpg

Iska horimaad hubeysan ayaa caawa ku dhexmaray Magaalada Muqdisho labo ciidan oo ka wada tirsan kuwa dowlada Somalia, kaasoo wararku sheegayaan inuu khasaare nafeed sababay.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan iska horimaadkan ayaa bilowday markii ciidamo ka tirsan dowlada ay weerareen hoy uu degan yahay taliyaha ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad oo ku yaalla degmada Waaberi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka weerarka geystay ay ka tirsan yihiin kuwa Asluubta, waxayna iska caabin kala kulmeen ciidan ilaalo u ahaa taliyaha Haramcad.

Lama  oga illaa hadda sababta ka dambeysa weerarkan, balse warar la helayo ayaa sheegaya in ciidamadii weerarka fuliyey oo lix askari gaadhayey dhamaantood la qabtay, iyadoo midkoodna uu dhaawacan yahay, waxayna haatan ku xidhan yihiin xarunta dembi baadhista Booliska ee CID.

Saraakiisha ciidamada amaanka ayaanan weli ka hadlin dhacdadan, mana jiraan faahfaahin intaas ka badan oo laga helay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this