Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Macalimiintii ilaaliyay imtixaankii qaranka ee DF Somalia oo lagu ballan furay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah macalimiintii ilaalinayay labadii Imtixaan oo kala ahaa Class-ka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo Fasalka 12-aad ee dugsiga Sare ayaa ka cabanaya xuquuqdooda oo kaga maqan dowladda Soomaaliya.

Macalimiintaan oo tabaneeyo ah ayaa sheegay in ilaa hadda aysan helin xuquuqda ka maqan oo lagula heshiiyay in la siinayo isla maalinta uu Imtixaanka dhamaado sidii hore u dhacday sanadihii 2018 iyo 2019.

Xubno muhiim ah oo ka tirsan guddi ay leeyihiin Macalimiintaan ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ku guul darreysteen dadaalo ay sameeyeen oo loogu tagay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Lama oga sababta keentay in ilaa hadda aan la bixin lacagta Macalimiibtii ilaaliyay Imtixaanka Qaranka mana jirto wax war ah oo ka soo baxay madaxda wasaaradda waxbarashada.

Imtixaankii ugu dambeeyay ee dugsiga sare ayaa soo dhamaaday 30 maalmood ka hor walina ma jirto hal qof oo Macalimiinta kamid ah oo qaatay lacagtii lagula heshiiyay.

Arrintaan ayaa dhibaato ku ah waxbarashada Soomaaliya gaar ahaan barayaasha Soomaaliyeed oo ku shaqeeya xaalad aad u adag. Macalimiinta ayaa dalbaday in la siiyo xuquuqda ka maqan.

The post Xog: Macalimiintii ilaaliyay imtixaankii qaranka ee DF Somalia oo lagu ballan furay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this