Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Deni oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey kulanka uu la yeeshay golaha wasiirada Puntland.

Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Punland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale ka qeybgalay La taliyayaal Madaxweyne.

“Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyey safarkii uu ku tegay Dhuusamareeb oo uu kaga qeybgalay Shirka looga hadlayey doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu golaha uga warbixiyey Safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti iyo shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay gobolka Mudug oo Madaxweynuhu Safar ku tegay, isagoo booqday degmooyin iyo deegaamo ka tirsan gobolkaasi.” Ayuu yiri Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

Hay’addaha Dowlad goboleedka Punland  waxaa la faray in Shaqadu ay sidoodii hore kusoo laabato, sida gudashada shaqada iyo saacadaha la imanayo Xafiisyada , Iyadoo la soo saarayo Hab-raacyo kooban oo Caafimaad kuwaasi oo ku saabsan sida loola noolanayo khatarta xanuunka Covid19.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

118293708_985877651825755_90215851848800 118295253_985877491825771_72244683887125 118345942_985877361825784_19973413187524 118353115_985877678492419_32091693958539 118396585_985877375159116_34630440855874 118403931_985877371825783_91126022292121 118407188_985877488492438_60803782030706 118425018_985877498492437_59551178413748

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this