Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Hayaan oo soo bandhigay Mowqifkiisa Shirkii Dhuusamareeb 3

Recommended Posts

Deeq A.   
HAYAANKA.png?resize=1000%2C666&ssl=1

Guddoomiyaha Xisbiga Hayaan ee Heer Federaal, ahna Musharrax u taagan Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ,Cabdixabiib Yaasiin warsame, oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, ayaa soo bandhigay Mowqifka Xisbiga Hayaan uu ka qabo Shirkii Dhuusamareeb 3.

Guddoomiye Cabdixabiib ,ayaa Shirkiisa jaraa’id ku faahfaahiyay War-saxaafadeed qodobaysan oo ka soo baxay Xisbiga Hayaan, kaas oo ku saabsan Mowqifka Xisbiga ee Shirkii Dhuusamareeb 3 iyo Heshiiskii ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada taageersan.

War-saxaafadeedka Xisbiga Hayaan, ayaa lagu caddeeyay in Hannaanka Doorashada Soomaaliya aysan cid gaar ah go’aamin Karin, iyadoo ay ka maqan yihiin Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubaland, Somaliland iyo Saamileyda kale ee Siyaasadda Dalka.

Sidoo kale, Xisbiga ayaa Madaxweyne Farmaajo u soo jeediyay, in uu si dhakhso ah u magacaabo Ra’iisul wasaare cusub, islamarkaana la qabto Shirweyne loo dhanyahay, oo laga qayb-geliyo dhammaan Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Saamileeyda Siyaasadda, si Heshiis midaysan looga gaaro Hannaanka Doorashada 2020/2021.

Hoos ka daawo Shirka jaraa’id oo dhammaystiran

PUNTLAND POST

The post Xisbiga Hayaan oo soo bandhigay Mowqifkiisa Shirkii Dhuusamareeb 3 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this