Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbullah oo sheegtay in ay soo riday diyaarad ay leedahay Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Beirut (Caasimadda Online) – Wararka laga helaayo dalka Lubnaan ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa Xisbullaah ay soo rideen diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo ay leedahay xukuumadda Israel.

Dhaqdhaqaaqa oo arintaan sheegtay ayaa sidoo kale xusay iney diyaaradda ku duushay khadka loo yaqaano “Blue Line”, taasoo gabi ahaanba meesha ka saareysa in Israel ay ciidamadeeda kala baxdo dalkaas.

Xisbullaahi waxey sheegeen in dagaalyahanadooda ay diyaaradda kusoo rideen meel u dhaw garoonka Aita Al Shabaab.

Israel waxey qiratay in diyaarad laga soo riday walow ay sheegeen iney ka hortageen isku day ay xisbullaah ku doonayeen iney sidaan oo kale ku sameeyaan ka hor hawlgalkaan.

Dhaqdhaqaaqa ayaa beeniyay warka Israel ee sheegaya iney fashiliyeen hawlgal hore, waxaana xoogeysanaya baacsiga labada dhinac.

Labada dowladood ee Lubnaan iyo Israel waxaa la fahamsan yayay inuu dagaal ka dhaxeeyo, iyadoo ay dhexdhexaad ahaan xuduuda labada dhinac ay joogaan ciidamada UNIFIL ee qaramada midoobay.

Ciidamadaan oo la aas-aasay 1978 ayaa xuduuda labada dal la dhigay sanadkii 2006 kadib dagaal bil socday oo dhexmaray Xisbullaah iyo Israel.

The post Xisbullah oo sheegtay in ay soo riday diyaarad ay leedahay Israel first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this