Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Wararkii ugu dambeeyey ee magacaabida Ra’iisul wasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)  waxaa heysto culeysyo siyaasadeed oo ay ugu weyn tahay magacaabida xil-ka Ra’iisul wasaaraha oo haatan ay ku qaadatay muddo 28 maalmood, laga yaabo inay wax ku darsamaan, balse waxaa hubanti ah in saacadaha soo socota uu magacaabi doono marka loo eego waqtiga yar ee uu heysto iyo kala guurka siyaasadeed ee uu dalku galay iyo caqabadaha ku xeeran.

Saacadihii u dambeeyay ayuu Madaxweyne Farmaajo ku jiraa inuu ku soo magacaabo Ra’iisul wasaarihii labaad tan iyo markii uu xukunka qabtay, iyadoo magacaabidan ay ku soo aadeyso xilli xasaasi ah oo siyaasadda Soomaaliya ay mareyso xaalad kala guurka ah .

Ninka la soo magacaabi doono kuma raaxeysan doono, mana nasan doono, waayo waxaa laga doonayaa inuu maro waddo qarda jeex ah, oo ay daadsan yihiin shabaqyo siyaasadeed, sidaas darteed ninka imaan doono waxay ku xiran tahay inuu la socdo hadba siyaasadda uu la yimaado.

Dhankooda xildhibanada Golaha Shacabka ayaa waxa ay sugayaan xilliga Madaxweynaha uu horkeeni doono Raii’sul wasaaraha cusub, si ay codka kalsoonida ugu qaadan

Sida uu sharciga qabo Madaxweynaha wuxuu heystaa muddo 30 cesho ah in uu ku soo magacabo, waxaana u harsan oo kaliya wax ka yar labo maalin oo qura .

Ninka Xafiiska ka bedeli doono Xasan Cali Khayre shaqo sahlan ma soo doonan, meel Al-Shabaab ayaa ku sugaya, amniga Muqdisho, maamul goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka, waxaana la eegayaa intaas siyaasadda uu ku wajaho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this