Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni oo xildhibaano iyo wasiiro kala hadlay go’aamadii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa xarunta madaxtooyada ee Garoowe kulan gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada maamulkaasi, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah, islamarkaana saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo shirkii lagu soo gaba-gabeeyey Dhuusamareeb.

Ugu horreyn Siciid Deni ayaa xildhibaanada Puntland iyo golihiisa wasiirada la wadaagay aragtiisa diidamada ah ee uu ka qabo heshiiskii lagu gaaray shirka Dhuusamareeb 3 iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay qaaday dowladda federaalka ah ee Soomalaiya.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ka dalbaday inay doorkooda qaataan xaaladda siyaasaadeed ee dalka.

Dhinaca kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan xaaladda Puntland iyo howl-gallada ciidamada maamulkaas ay ka wadaay dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Puntland oo garabsaneysa Jubbaland ayaa si weyn uga hortimid heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb, kaas oo lagu cadeeyey nooca doorasho ee 2020/21.

The post Siciid Deni oo xildhibaano iyo wasiiro kala hadlay go'aamadii Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this