Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa Hoggaamin Doona Ururka Ganacsiga Addunka –Amina Mise Iweala?

Recommended Posts

Deeq A.   

Yaa Hoggaamin Doona Ururka Ganacsiga Addunka – Kenya Mise Nigeria?

 amina.jpg

Ururka Ganacsiga Addunka WTO  oo ah hay’adda addunka u qaabilsan xeerarka ganacsiga ayey dayrta dhow wajihi doona hoggaan la’aan. Agaasimihii Guud Roberto Azevedo oo u dhashay Brasiil ayaa si lama filaana shaqadiisii uga tegaya August 31, 2020 oo ah sanad ka hor dhammaadka xilhayntiisii.

Dalalka xubnaha ka ah ayaa isku raacaan in mid ka mid ah ku xigeenada uu si ku meel gaadh ah u sii hayo hoggaanka muddada ka hadhsan xilhayntiisii. Hay’adda oo la aasaasay 1995 waxay leedahay ku xigeeno ka kala soo jeeda dalalka Shiinaha, Jarmalka, Nigeria iyo Mareykanka.

Sanadkaan qaarada Afrika waxaa u tartamaya 3 diblomaasiyiin oo aan kala dhicin. Afrika weligeed ma helin fursad ay ku hoggaamiso WTO, inkastoo qaaradaha kale ay soo qabteen jaggadaas.

Soo magacaabista musharraxiinta ayaa bilaawday June 8dii waxuuna ku ekaa July 8, 2020. Siddeed musharrax oo wada leh aqoon iyo khibrado cajiib ah ayaa u tartamaya, kana socda, Britain, Kenya, Konfurta Kuuriya, Masar, Mesiko, Moldova, Nigeria, iyo Boqortooyada Sacuudiga.

July 15dii ilaa 17dii ayaa mid mid loo dhegeystay aragtida musharrixiinta ee ku aaddan dib u hagaajinta hawlaha hay’adda. Hannaanka xulashada oo qaadan doona dhowr marxaladood ayaa laga yaabaa inuu gaadho 2021, haddii lagu heshiin waayo.

Musharraxa ku guuleysta waxaa laga doonayo inuu si wadajir ah u hanto kalsoonida 164 wadan oo xubinta ka ah ururka. Madaxa cusubi waa inuu soo nooleeyaa wadahadalladii ganacsiga ee hakadka galay hirgeliyaana dibuhabeyn si uu u hoggaamiyo hay’ad aad u muhiim ah xilli dunida ay soo wajahayso caqabado aad u adag xiisadaha ganacsiga caalamkana ay ka sii darayaan.

 

Roberto Azevedo oo jaggada loo doortay 2013kii wuxuu u adkaysan waayay hujuumka dawladaha waaweyn ee qarbiga ah, kuwaas oo ku andocoonaya in WTO aysan hawl wanaagsan oo waafaqsan Suuqyada Xorta ah qaban.

Wejigii 1aad ee kala xulashada lama baadi-goobayn cidda leh tayada ugu sarreysa ee ku habboon hoggaaminta hay’adda, balse waxaa la raadinayay sidii loo reebi lahaa murashaxa aan soo jiidan karin taageero loo dhan yahay.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in musharixiintii Moldova iyo Sacuudiga ay u muuqdeen kuwo aan ka gudbi doonin wareegga hore (Bloomberg News 20/07/2020). Diblomaasiyiin goobjoog ahaa ayaa sheegaya in laga yaabo inuu Midowga Yurub la xulafoobi doono Afrika oo mustaqbalka ganacsigeedu aad muhiim ugu yahay Beijing iyo Washington.

Khubarada ganacsiga ayaa rumaysan in xidhiidhka cadaawadeed ee u dhexeeya Beijing iyo Washington uu saameyn ku yeelan doono tartanka. Waxaa laga yaabaa musharixiinta taageero ka hela mid inuu wajihi doono diidmada qayaxan ee midka kale.

Haddaba haddii la tixgeliyo taas, waxaa laga yaabaan in musharaxa Britain (UK) oo ahaa Xoghayihii Ganacsiga Caalamiga ee Brexit inuu Midowga Yurub iyo Shiinaha u cuntami doonin. Waxaa xaalladdaas oo kale wajihi doono midka Koonfur Kuuriya oo dalkiisa tan iyo dagaalkii 2aad uu xafiiltan (rivalry) kala dhexeeyay Jabaan.

Sidoo kale, musharraxa Mesiko (Mexico) oo ka caawiyay Maraykanka, Kanada iyo Mesiko gorgortankii heshiiskii ganacsiga ee dhexmaray ayaa la tuhunsan yahay inuu heli doonin raallinimada Shiinaha.

Walow aan la ogeyn dhanka ay u dhici doonto natiijada, haddana saadaasha ayaa u eg in mid ka mid ah musharraxiinta Afrika uu ku soo bixi doono jaggada.

Musharrixiinta Kenya iyo Nigeria ayaan u muuqan kuwo si sahlan loo loodin karo, inkastoo musharaxa Masaarida uu khibrad u leeyahay gorgortanka ganacsiga adduunka, guddiga xulushadana uu ka hor sheegay inuu yahay, “musharaxa keliya ee Midowga Afrika isku raacsan tahay.”

Afrika weligeed horey uguma heshiin musharrax qudh ah ee WTO. Balse xog ay soo tebisay Reuters ayaa sheegaysa in sanadkaan taageero ballaadhan ay dunida u muujinayso musharrax Afrikaan ah oo weliba haween ah (Reuters 22/06/2020).

War saxaafadda ay qortay ayaa sheegaya in Midowga Afrika uu beeniyay isku raacaansanaanta musharrax gaar ah. Shirkii guddiga Wasiirrada ee mudeysnaa July 2-deedii, 10-keedii, iyo 15 keediiba ayaa qabsoomi waayay duruufo ka baxsan awoodda ururka .

Haddaba aynu isweydiinnee maxay tahay tayada hablaha murrashaxiinta u ah Afrika ee ay dunida la dhacsan tahay?

Waxaa la rumaysan yahay in ka qaybgalka hablaha maskaxdooda furfuran tahay ay sare u qaaday rajada laga qabo in hay’adda ay markii ugu horreysay taariikhda doorato haweeney weliba Afrikaan ah maadaama midkoodna uusan weligeed madax uga soo noqon.

Marwo Ngozi Okonjo-Iweala oo laba jeer horrey u soo qabatay xilka Wasiirka Maaliyadda ee dalka Nigeria kana qalanjibisay jaamacadaha Harvard iyo MIT oo la xushmeeyo ayaa leh xirfad iyo khibrad culus. Waxyaabaha lagu ammaano waxaa ka mid ah in gorgortankii ay la gashay Paris Club uu dalkeeda ku helay deyn cafis dhan 18 bilyan doolar.

Waxaa la rumeysan yahay in xirfadeeda gorgortan iyo siyaasadeedba ay gacan ka geysan karaan dib u soo celinta ajendaha ganacsiga ee dhinacyo badan (The Conversation 21/07/2020). Haseyeeshee, Dr. Okonjo-Iweala uma laha khibrad gaar ah hawlaha WTO, inkastoo ay fahansan tahay hawlaha hay’ado kala duwan ee calami ah.

Dhinaca kale, Qareen Amina Maxamed ayaa ah Wasiirka Ciyaaraha dalka Kenya horreyna u soo qabata xilalka Arrimaha Dibedda iyo Tacliinta. Sanadkii 2015 waxay guddoomisay Golaha Guud ee WTO. Sidoo kale waxay madax ka noqotay xallinta khilaafaadka iyo dibu eegista nidaamka ganacsiga ururka.

Waxaa lagu amaanaa inay gacan ka gaysatay gorgortankii adeegsiga teknolojiyadda iyo dawooyinka guud (Generic drugs) ee waddamada saboolka ah iyadoon waxyeello loo geysan xuquuqa milkiilaha (Intellectual property rights).

Waxaa la rumeysan yahay in waayo aragnimadeedda “hoggaaminta istraatiijiga ah iyo wada xidhiidhka wax ku oolka ah” ay wax ka tari karto walwalka ganacsiga caalamka ee taagan. Balse Amina oo sanadkii 2013 kula tartantay jagada Agaasimaha Guud 8 musharrax ayaa eedaysay in Kenya la gaadhi wayday isfaham Ghana oo tartanka kula jirtay.

Waxaannu sugnaaba waa cidda ku soo bixi doonto September 7, 2020 wareegga 2aad oo ah mid siyaasadeed,  iyo sida Kenya iyo Nigeria xal ugu heli doonaan halista iscurjintooda. Waxaa xaqiiqa ah in Amina ay haysato taageerada Geeska Afrika oo ay dunida isha ku hayso la ganacsigeeda, walow dhaqanka Kenya ee gobolka khaati laga joogo!

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this