Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Turkiga Oo Badda Madaw Ka Helay Gaaskii Ugu Badnaa Iyo Erdogan Oo U Bushaareeyey Shacabkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay shalay oo Jimce ahayd in waddankiisu helay sohdii ugu ballaadhnayd taariikhda dalka Turkiga ee uu ka helo badda Madow taasi oo qani ku ah khayraadka dabiiciga ah gaar ahaan gaasta oo uu aad ugu baahnaa dalkani muddo qarniyo ah.

Madaxweynaha waddanka Turkigu Rajab Dayib Erdogan Waxa uu ku sheegay hadalkiisii uu ka jeediyey xafladdii ku dhawaaqida daah ka rogida helitaanka Gaaska sidan: “Dhammaan hawlaha baadhitaanada oo dhammi waxay ahaayeen kuwo lagu fuliyey awoodaha wadanka gudihiisa”  waxa uu intaa ku daray, “Ma jirto wax yar oo kaalmo dibadda ah oo dhinaca baadhitaanka iyo soosaarkaba ah. Allah ayaa noo furay albaabka khayrka tamarta meel aannaan maskaxdaba ku hayn”.

Madaxweynaha waddanka Turkiga Rajab Dayib Erdogan waxa uu caddeeyey xaddiga shidaalka gaaska ah dihin ee ceegaaga dhulka ay baadhitaanka ku wadeen oo kor u dhaafay Balaayiin Litir waxaanu yidhi: “Baadhitaanka Markabka Faatix waxa uu caddeeyey in aanu ka helay 320, 000,000,000 m3 (Saddex boqol iyo labaatan bilyan oo mitir saddex jibaaran) oo ah kayd gaas dabiici ah oo aanu ka helnay ceelka Tuna” ayuu yidhi Rajab Dayib Erdogan isaga oo Madaxweynaha Turkigu sheegay saadaasha hore ee daahfurka sohda ugu wayn ee gaasku ay tilmaamayso suuragalnimada in ay jiri karaan ceelal  kale in laga helo isla goobtaa.

Madaxweyne Erdogan oo hadalkiisa sii wayaa Waxa uu intaasi raaciyey: “Markabkan Faatix dartii ayaan maanta ugu guurnay dawladaha ugu horreeya ee gaaska” Sidoo kale maraakiibta Yavus iyo Qaanuuni ayaa ku guda jira sidii ay gaas uga soo saari lahaayeen Bariga Badda Cad, taas oo aan uga gol leenahay in aan ugu adeegno ummadeenna  gaaskaasi. Nidaamka caalamka ee dadnimolaawaha ahi uma kala qiimo roona dhibicda dhiiga ah iyo ta batroolka ahi. Haddii aanay ka sii daraynba sidaa darteed waxaan go’aansanay in aan isbedel salka ah aan ku samayno arrinta tamarta ee wadankeenna”.

Madaxweynaha Turkigu Waxa uu tilmaamay in waddankiisu fuliyey sagaal (9) hawgal oo ay ku qoddeen biyaha gunta dheer ee baddaha Cad iyo Madow iyagoo adeegsanaya labada markab ee Faatix iyo Yavus”  isaga oo sheegay in aanay Joojinayn waligood, oo aanay nasan doonin illaa ay ka noqdaan dalalka ugu horreeya dhinaca wax soo saarka Gaaska.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this