Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ‘lagu qabtay’ dagaallo ka dhacay G/Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa weli isa soo tararaya khasaaraha ka dhashay dagaallo u dhexeeyey ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Bari,  gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalladaasi oo ka dhacay agagaarka degmooyinka Qandala iyo Caluul jab xoogan lagu gaarsiiyey dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Ugu yaraan illaa 10 ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaalladan, iyadoona gacanta lagu dhigay 3 maxbuus, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ammaanka Puntland.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta kla hadlay warbaahinta ay shaaciyeen in dagaalladaasi ay Al-Shabaab uga soo furteen hub fara badan, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana saaka goobihii lagu diriray tegay xubno ka tirsan guddiga amiga Puntland oo booqday ciidamada maamulkaas ee ku sugan furunta dagaalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this