Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Sababta Dowladda Federaalka ah ay Dalka uga Ceyrisay Madaxii Hey’adda CARE

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka waxbarashada ee dowladda federaalka ah Cabdullahi Goodax Barre ayaa lagu faray Cabdullahi Imaan oo ahaa agaasimihii hey’adda  CARE  inuu dalka ka baxo, kana shaqeyn karin.

Imaan ayey dowladda federaalka ah ku eedeysay inuu sameeyey meel ka dhac ku aadan siyaasadaha waxbarasho ee Muqdisho isla markaana uu abuuray qalqalgelin iyo kalsooni darro dhexmarta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada oo dhinac ah iyo dowladda federaalka ah iyo deeq bixiyeyaasha oo dhanka kale ah.

CARE ayaa sheegtay iney ka hawalgeli doonaan xalka arrintaas, CARE  waxaa ay Soomaaliya joogtay ilaa  1981 iyada oo ka shaqeysa arrimaha biyaha iyo fayadhowrka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this