Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Deni oo Taleefonka ka qaban waayay Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xalay Taleefonka ka qaban waayay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xiriir la soo sameeyay, sida ay ogaatay warbaahinta Puntland Post.

Madaxweyne Qoor Qoor, oo dhaleecayn kala kulmay hadal uu jeediyay Habeen ka hor, ayaa Xalay Kulan deg deg ah la qaatay xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda, kuwaas oo qaarkood u soo jeediyay in uu xal u raadiyo Tabashada Puntland qabto, islamarkaana ku soo qanciyo in ay ka qayb-galaan Shirka Dhuusamareeb 3.

Sidoo kale, qaar ka tirsan Golaha Xukuumadda Galmudug, ayaa Qoor Qoor u soo jeediyay in uu si dhakhso ah Garoowe u tego, si meesha looga saaro Tuhunka ka abuurmay hadalkiisi habeen ka hor oo u muuqday mid taageersan Mowqifka Villa Somalia.

Mudane Qoor Qoor, oo garowsan saamaynta uu yeeshay Hadalkiisi, ayaa la xaqiijiyay in uu xiriir toos ah la soo sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, balse aysan suurta-gelin in uu Khadka Taleefonka ku helo.

Deni, ayaa sida la sheegayo Taleefonka ka qaban waayay Qoor Qoor, markii dambana Cajalad kaga xirtay, waxaana sidaasi ku fashilmay isku day uu Qoor Qoor ku doonayay in uu Madaxweynaha Puntland ku qanciyo ka qayb-galka Shirka Dhuusamareeb 3.

PUNTLAND POST

The post XOG: Deni oo Taleefonka ka qaban waayay Qoor Qoor appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this