Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Danab oo howl-gallo qorsheysan ka fuliyey Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay howl-gallo ka sameeyeen agagaarka deegaanka Gandarshe.

Ciidamada ayaa lagu soo warranayaa inay howl-galladaasi ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaacay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this