Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Go’aano ka soo baxay shir looga hadlay amiga oo lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caaismada Oline) – Ku simaha Duqa Muqdisho, ahna guddoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir, Mudane Axmed Xasan Iimaan ayaa xalay guddoomiyey shir deg-deg ah oo looga hadlay amniga magaalada Muqdisho, gaar ahaan sida ay looga hortagi karo weerarada ay fuliso kooxda Al-Shabaab.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah, islamarkaana saacado badan qaatay ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, maamullada degmooyinka & saraakiisha amniga.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyey amniga magaalada Muqdisho iyo sida loo xaqiijin karo, si looga hortago falalka amni darrada, gaar ahaan weerarada iyo qaraxyada.

Sidoo kale waxaa lagu go’aamiyey in la sameeyo howl-gallo ballaaran oo lagu baarayo xaafadaha caasimadda iyo gaadiidka iyo si loola socda dhaq-dhaqaaqa guud.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aanadaasi la fulin doono maalmaha soo socda, isaga oo sheegay in howl-galladu ay ka bilaabanayaan guud ahaan caasimada.

Saalax Dheere ayaa sidoo kale intaasi ku daray in mas’uul kasta uu qaadan doono doorkiisa, islamarkaana uu jiri doono isla xisaabtan adag oo dhanka ammaanka ah.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo helo amni buuxa oo lagu naaloon karo.

Si kastaba ha’ahaatee shirkan ayaa yimid, kadib markii ay sii xoogeysteen falalka ammaan darri ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, sida qaraxyada, waxaana ugu dambeeyey midkii shalay ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama iyo kii hotelka Elite oo uu xigay weerar toos ah oo qaatay saacado badan, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo  dhaawac.

117599153_2658857744352968_4323620367592 117705913_2658857954352947_2720524689303 117715946_2658857701019639_2547022245607 117770863_2658857941019615_4710177681452 117773623_2658858191019590_7760513544297 118008549_2658858391019570_3535991229794 118153878_2658857537686322_8558639450514 118157194_2658858431019566_4941404372055

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this