Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Muhiima:Aduunka Maanta!

Recommended Posts

Deeq A.   

Aduunka Maanta!

195 dal ayaa xiligan xubno ka ah ururka Qaramada Midoobay (UN), taas oo 193 kamid ahi ay yihiin xubno joogto ah iyo 2 dal oo aan xubno ahayn isla markaana ku qoran goob jogaayaal. Waxaa iyana jira dalal aan la aqoonsan oo aan kuraas ku lahayn UN-ta.

Taa macnaheedu waxaa weeye dhamaantii aduunka (oogada aduunka=510.1 million km², total – 70% water) cid gaara baa sheeganeysa. Meelaha aan cid gooniyi lahayn (Antarctica iyo biyaha caalamiga ah), waxaa jira sharci wada lahaansho oo lagu maamulo.

Dadka ku nool aduunkana waxaa xiligan lagu qiyaasaa ku dhawaad 7.8 billion oo qof. Laguna saadaaliyey in 2050 uu aduunku gaadhi doono (Allah idamkii) 10.9 billion oo qof. Waxaana ugu taran badan qaarada Africa. Eeg table-ka hoose.

Screenshot-2020-08-18-at-19.51.05.png

Sidoo kale waxaa Allah (SWT) aduunka ku abuuray, bad iyo barriba, kheyraad dabiici ah (dad, macdan, kaymo, dhul wax laga beeri karo, biyo, oil and gas iwm.), si aadamaha ay ugu suurto gasho in uu ku noolaado aduunkan. Sida kheyraadkan loogu kala intifaacsi badan yahayna waa sida loo kala dadaal iyo cilmi badan yahay. Meelo badan oo aduunka kamidana waxaa Allah ku abuuray kheyraadyo meeshaas uun khaas u ah. Dhaqanka/culture-ka wanaagsan oo bulsho leedahay isna waa hanti, waxyaabaha laysku haystana waa ka qayb aad u muhiima (ninkii kaa adkaada, waad ku qasbantahay inaad dhaqankiisa u bedelatid).

Hadaba, aduunku wuxuu dhamaantii tartan iyo raacdeyn ugu jiraa share-ka/qaybta ay cid waliba ka heli lahayd kheyraadkan. Si ay taa u xaqiijiyaana, waxaa dadaal loogu jiraa abid sameysiga straatiijiyado, ciidamo adag iyo technologyad casri ah oo lagu soo xero geliyo, lagu ilaashado, laguna sii badsado khayraadka aduunka.

Xiligan aan joogno, tartanku waxa uu marayaa meel aad u adag, oo ay suuro gal tahay in dagaalo dhex maraan kuwa ugu tunka waaweyn oo ay noqoto kii roonoow reerka u hadh. Waxaa laysku haystaana waa kheyraadka aduunka iyo ideology-yadii lagu maamuli-lahaa.

20-kii sano oo u danbeeyey kharashka lagu bixinayey milatariga aduunku wuxuu kor u kacay 76%; waxaana lagu qiyaasay total-ka kharaashaadka aduunka $1.7 trillion sanad walba intii u dhexeysay 2009-2018. Sanadkii hore ee 2019, lacagta lagu kharash-gareeyey milatariga aduunka waxay kor u kacdey 1.3%, oo ka dhigaysa kharashka guud oo aduunku ku bixiyey milatariga $1.917 trillion (2019).

Shanta dal ee ugu sareeyey kharashka militariga la geliyey sanadkii 2019, waxay ahaayeen USA, China, India, Russia and Saudi Arabia, kuwaas oo si wada jir ah 62% kharashka guud ee adduunka ugu bixiyey milatarigooda.

Screenshot-2020-08-18-at-8.27.37.png

Xiligan, loolan-kii weerer iyo difaac aad buu u sii adkaadey oo isu bedelay mid xeeladeysan (strategic battles), oo isu rogay waxa loo yaqaan cyberartificial intelligencebiological and biochemical warfares. Waa dagaalo aad u casri ah oo aan intooda badan abid hore aduunka u soo marin.

ARTIFICIAL INTELIGENCE, CYBER AND BIOLOGICAL-ENGINEERING WARFARE

Cyber and biological egineering warfares waa xeelado dagaal oo aad u casri ah, kana khatarsan dagaaladii hore loo yaqaanay. Waa dagaal xogeed.

Robotic Army

Waxaa dawlado badni ay ku hawlan yihiin sameysiga robotic army – ciidan robots ah. Tani waxay u suurto gelineysaa dalal in ay ka maarmaan ciidankii dadka ahaa. Arinakni wuxuu khatar weyn ku yahay wadamada aan iyagu awoodan lahayn, oo ay suurtogal noqon karto in kuwa ciidankan leh ay tiro kooban oo ciidan robots ah u diraan si ay operation usoo fuliyaan. Waxaa kaloo khatar ah in ciidanka noocan ah la keeno suuqyada hubka lagu kala iibsado, taasina ay sababi doonto cidii dhaaqaale ku filan leh oo iibsankarta.

3b8092d044411ef84.jpg
Drones (diyaaradaha aan duuliyaha lahayn)

Halagu kala horeeyo, laakiin dalal badan maanta waxay haystaan diyaarado dagaal oo aan cidi wadin oo lagu hagayo satelitte. Waa diyaarad miisan fudud, oo inta badan raadaarada ka dhuuman karta. Diyaaradahan waxay ku qalabeysan yihiin hubka iyo sirdoonka ugu casriyeysan. Waa diyaaradaha lagu bartilmaansado ashkhaas, kooxo ama meelo khaas ah. Diyaaradahan aan cidi wadin waxay in badan dhibaatooyin aan xad laheyn gaadhsiiyaan dadka rayidka ah.

39493946_7.png
Kamaradaha Ilaalada (surveillance cameras)

Dawladaha iyo business-ka aduunka maanta waxay intooda badani dhaqan geliyeen kamerado meel ku dhegsan iyo qaar duulaba (drone cameras) oo lagula socdo dhaqdhaqaaqa dadka iyo amniga goobaha. Kamaredahani waxay warka ku uruuriyaan computers meel yaala. In sawiro/xog sir ah lagu aruuriyo kameradahan khataro badan bay leedahay, mid ka midana waa marka la jabsado computeradii xogta hayey oo kadibna loo adeegsado ujeedooyin kale.

michal-jakubowski-oQD9uq4Rd4I-unsplash-s
BIG DATA (xog tiro badan oo lagu aruuriyey computers)

Aduunka maanta waxaa dadaal weyn loogu jiraa sidii xogta dadka loogu uruursan lahaa computers, kadibna looga faaiideysan lahaa – hadii ay tahay in looga faaiideysto business ahaan iyo mid amniba.

Meelaha xogta sida sahlan looga aruursado waxaa kamida Social Media-ha (Facebook, Instagram, Twitter, WhatsApp, email accounts, Linkedin, kameradaha suuqa ku xidhan, iyo tools kaloo badan). Waxaa kaloo xogta laga uruursadaa telephons-ka – khaasatan mobile phones-ka.

Aduunka maanta qofkasta oo mobile sita meesha uu joogo iyo waxkasta oo mobilekiisa uu ku sameeyo waa lala socdaa. Dawladaha Africankuna siweyn bay arinkan u daneeyaan adeegsigiisa. Hadii aanay sherkadaha isgaadhsiintu sameyn cyber security policies adag oo lagu ilaaliyo xogta macmiishooda, waxaa hubaal ah in dhaawac weyn ku iman karo dadka isticmaala adeegyadooda oo ay xogtooda kaydiyaan. Sanadkii 2019, inta la ogyahay waxaa aduunka la jabsadey xog gaadheysa 7.9 billion oo xog macmiileed ah.

740_aHR0cHM6Ly9zMy5jb2ludGVsZWdyYXBoLmNv 

Biological Engineering

Horumarinta technolojiyadaha biological-ka iyo biochemical-ka ee ku habboon dagaalka casriga ah si xawli ah bay ku socotaa.

Farsamooyinkan casriga ahi waxay suurto geliyeen marin-habaabinta macluumaadka hiddo-sidaha (genetic information)  ee fayrasyada, bakteeriyada, dulinnada, unugyada, iyo noolahaba. Waxayna taasi suurto galin kartaa in labaratoriyo lagu sameeyo virus khatar ah oo aduunka lagu faafin karo. Waxaa cilmi baadhayaasha arimahani sheegeen in khataraha ugu waaweyn ee qarnigan 21aad ka iman karaan technolojiyadahan.

louis-reed-pwcKF7L4-no-unsplash-scaled.j

By Abdi Osman Jama
Doctoral candidate
Institute for Strategic Initiatives (ISI)
Hargeisa, Somaliland
abdi.jama@isi-inistitute.org

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this