Sign in to follow this  
Deeq A.

Milkiilaha Elite Hotel oo shaaciyay ‘sababtii loo beegsaday’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Milkiilaha Elite Hotel, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo maalin ka hor lagu qaaday weerar toos ah iyo qarax xoogan ayaa ka hadlay sababtii ka dambeysay weerarkaasi.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo wareysi bixiyey kadib markii lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday hotelkiisa oo markii hore ku bilowday qarax ayaa sheegay in ‘sababta ugu weyn ee loo beegsaday ay tahay inuusan bixin lacag baad ah’.

Xildhibaanka ayaa arrinkaasi si dad-ban ugu sheegay wareysi uu siiyay Dalsan, isagoona xusay inaysan marnaba niyad jabin doonin weerarada argagixisada oo ujeedkooda u weyn yahay niyad jabinta horumarka umadda Soomaaliyeed.

Milkiilaha Elite Hotel ayaa carabaabay in dad u dhow ay dhowr jeer kula taliyeen inuu bixiyo lacagta kooxda Al-Shabaab ku sheegto ‘Zakawaadka’ oo la fahamsan-yahay inay bixiyaan badanaa ganacsatadu, si ay uga nabad helaan falalka amni daro ee kooxdaasi.

Cabdullaahi ayaa sheegay inaysan marnaba suurtagal noqoneyn inuu lacag baad ah siiyo kooxda nabad-diidka ah, taasi oo qeyb ka noqoneysa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa caqli darro ah daruuf kastaba ha keentee, inta anigu lacag bixiyo dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan ee magaaladan jooga lagu dili lahaa, in aan anigu dhintaa ka door-bidayaa” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyntiina ganacsatada Soomaaliyeed usoo jeediyay inay ka digtoonadan lacagaha baada ah ee ay siinayaan kooxda Al-Shabaab, midaasi oo uu sheegay inay qeyb weyn ka qaadaneyso qaraxyada iyo dilalka ay fuliyaan kooxdaasi.

Weerarka Elite ayaa kusoo aadaya xili uu faraha kasii baxayay amaanka caasimadu, taasi oo loo aaneynayo habacsanaanta amni, si dhabana uma cada qorshayaal ay laamaha amnigu uga hortagayaan falalka amni darro ee Al-Shabaab, oo maalmihii u dambeeyay sarre u kacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this