Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare oo amray in la soo qabto raggii dilay Wasiir Karaani

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed (Karaani) oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen  Magaalada Jowhar Xilli uu ka baxay Masaajid  uu ku dukaday Salaada Cishaha.

Madaxwayne waare ayaa yiri anigoo ku hadlaya magaca golayaasha iyo shacbiga Hirshabelle waxaan  tiiraanyada la qaybsanay dhammaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale cambaareeyay dilka wasiirka, wuxuuna Tacsi uu u diray Shacbiga Hirshabelle, gaar ahaan,qoyskii,Caruurtii ,eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka, samir iyo iimaana ka siiyo, waxaana uu alle uga baryay in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa muujiyay sida uu uga naxay misna uga naxay Dilka Wasiirka, ayaa  amray hey’adaha amaanka in ay si deg Deg ah u soo  qabtaan Kooxihii Ka dambeeyay Dilka wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle marxuum C.qaadir Abuukar Muxumed Karaani.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Mudane ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabelle waxaana uu ka mid noqday dabayaaqadii 2016-ki oo xiligaa la aas aasay Baarlamaanka Hirshabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this