Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Horumarka Shacabka Oo War Saxaafadeed Ka Soo Saaray Marxalada Kala-guurka Ah Ee Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ka soo baxay  Xisbiga Hormarka Shacabka ayaa looga hadlay xaalada guud ahaan xiligan uu marayo dalka iyo sida loogu gudbi karo marxalada kala guurka  .

“Xisbiga Hormarka Shacabka  waxa uu aad ugu walacsan yahay ka maqnaanshaha Shirka Dhuusmareeb -3 ee maamulada Jubbaland iyo Puntland , taas oo meesha ka saari karto rajada shacabka ay ka qabaan Geedi socodka Nabad dalka” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka ka soo baxay Xisbiga Hormarka Shacabka.

Deni-iyo-Madoobe-1024x576.jpg

Waxa lagu soo hadal qaaday warsaxafadeedkan xaalada amniga ee dalka gaar ahaan weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Hotelka Elite.

elite.jpg

“Waxa ugu tacsiyaynaynaa  ehalada dadkii  dadkooda ku geeriyooday qaraxaas oo  ay soo malageen kooxaha xagjirka ee u taagan daadinta dhiiga shacabka Soomaliya, waa in aan meel ugu soo waja jeesanaa sidii loogu hortagi lahaa ”ayaa lagu xusay qoraalka ka soo baxay Xisbiga Horumarka Shacabka.

Sequence-02.00_03_18_17.Still001-1024x76

Dowlada waxa ugu baqaynaa in ay la timaado qorshe cad oo lagu sugayo amaanka ayaa la daba dhigay warsaxafeedka  Xisbiga Horumarka shacabka.

Sequence-08.00_00_08_24.Still001-1024x76

Xisbiga Horumarka shacabka mar uu ka hadlayay fataahadaha ka jira Gobolada Shabeelooyinka ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in dhaxdooda ay isku gurmadaan , Dowladuna ay gutado waajibka ka saran Qoysaska  dhibaatada ay ka soo gaartay fataahadaha ka jira dalka.

Fatahaad.jpg

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Warka Ka Soo Baxay Xisbiga Horumarka Shacabka

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this