Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo isa seejiyay fursad siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Faallooyinka PP) — Kulankii Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmaray Jabuuti sanadkan wuxuu ahaa fursad siyaasadeed oo soo martay Madaxweyne Muuse Biixi.

Muu ka faa’iidaysanin fursadda. Sida uu sheegay Cabdulqaadir Jirde, Guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee Xisbiga Waddani, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu soo jeediyay in Somaliland qaadato caasimadda iyo xilka Madaxweyna. “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Muuse eegay oo ku yiri ‘ Muuse, hadal’” ayuu Jirde ka sheegay dood uu machadka ISIR soo abaabulay.

Madaxweyne Muuse Biixi wax jawaab ah muu bixinin. Tanaasulka uu Madaxweyne Farmaajo soo bandhigay waa mid, ka hor hadalka Jirde, aan lala wadaagin dadweynaha iyo siyaasiyiinta. Wadahadalladii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sida ku dhaca leh u taageeray waxay soo gaareen heer Muqdisho miiska soo saartay tanaasul hore aan loo soo bandhigin. Taa waxaa wehelisa raalli-gelintii Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay goboodfalladii siyaasadeed uu taliskii militarigu geystay.

Isla goobta dooddu ka dhacday Cabdulqaadir Jirde wuxuu ka sheegay in maqnaanshaha madax dadka isu soo jiidi karta ay keentay in wadahadalladu noqdaan kuwo aan miro-dhal ahayn. Miyuusan tanaasulka Muqdisho muujinaynin in madaxda reer koonfureedku diyaar u tahay ka tagista wax badan? Madaxweyne Biixi khudbad ayuu u jeediyay Golaha Wakiillada Somaliland. “Ma anaa middiyo lay qarshaa laygu qali doono” ayuu yiri Madaxweyne Biixi oo xiganayay gabay caanbaxay. Marnaba muu soo hadalqaadin tanaasulka Madaxweyne Farmaajo dowladdiisu samaysay.

Cabdulqaadir Jirde xogta uu dadweynaha la wadaagay waxay muujinaysaa in Somaliland siyaasad ahaan dayaysan tahay. Waa sababta Jirde u soo jeediyay “qarannimo wadaag”. Miyuusan tanaasulka Madaxweyne Farmaajo sameeyay ahayn baaq qarannimo wadaag?

© Puntland Post, 2020

The post Muuse Biixi oo isa seejiyay fursad siyaasadeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this