Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo Toogatay Labo Askari oo Bil Kahor Wiil Kufsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa la sheegayaa iney toogteen labo askari oo muddo bil laga joogo kufsaday wiil 10 jir ahaa.

Dhacdadan ayaa imaaneysa 48-dii ee tagay markii ay isla Baydhabo ka dhaceeb 2 kufsi oo kale. Axaddii iyo Isniintii ayaa la kala kufsaday labo wiil, oo la sheegayo in midkood uu dhintay.

Dilka saaka loo geystay labadan askari, weliba maxkamadeyn la’aan ayaa la sheegay in lagu dejinayo dadka ka xumaadey kufsigiii saacadihii tagay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this