Sign in to follow this  
Deeq A.

Raashinka ugu dambeeya ee la siiyo dadka toogashada ugu xidhan Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Raashinka ugu dambeeya ee la siiyo dadka toogashada ugu xidhan Mareykanka

Si aan wax badan uga fahanno sharciga maxaabiista dilka lagu xukumo ee dalka Mareykanka, Sawir-qaade Jackie Black ayaa sawirradan ka diyaariyay raashinka ugu dambeeya ee ay codsadaan maxaabiista toogashada sugaya, ka hor inta aan la dilin.

A meal featuring french fries, scones, scrambled egg and toast
Cuntadii ugu dambeysay ee uu dalbaday Clydell Coleman, oo la dilay 5 May 1999

“Bal ka warran haddii lagu dhaho codso raashinkaagii ugu dambeeyay ee aad cuneysid ka hor inta aan laguu dilin dambi ay suurtagal tahay inaad gashay ama aadan galinba?” waa su’aashii uu howshiisa saldhigga uga dhigay sawir-qaadaha Mareykanka ah.

“Haddii aan cuntooyinkaas is hordhigi lahayn, laga yaabee inaan dareemi kari lahayn xaaladdaas.

“Waxaa laga yaabaa inaan su’aal galin lahayn ujeeddooyinka aan ka leennahay waaxda caddaaladda iyo sida aan ugu lug leennahay habka ay ku shaqeyso.

“Waxaa suuragal ah inaan garab istaagi lahayn qofka la cambaareeyay.”

Sawir-qaade Black waxa uu sidoo kale isku soo aruuriyay xogta maxaabiista, oo ay ka mid yihiin muddadii ay wax baranayeen, waxa ay ka shaqeyn jireen iyo hadalladoodii ugu dambeeyay.

David Wayne Stoker

A meal featuring two burgers, french fries and ice cream

Xilligii la dilay: 16 June 1997

Waqtiga uu wax baranayay: Siddeed sano

Shaqadiisa: Howl-wadeennada ku shaqeeya qalabka culus/Farsamada alwaaxyada iyo dhismaha

Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Aad baan uga xumahay qofka idinka dhintay… Laakiin anigu cidna ma dilin.”

2px presentational grey line

Anthony Ray Westley

A meal featuring french fries, fried chicken and white bread

Xilligii la dilay: 13 May 1997

Waqtiga uu wax baranayay: Siddeed sano

Shaqadiisa: Xamaali

Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waxaan rabaa inaad ogaataan inaan cidna dilin. Waan idin jeclahay dhammaantiin.”

2px presentational grey line

Thomas Andy Barefoot

A meal featuring, beans, rice, sweetcorn, crackers and cola

Xilligii la dilay: 30 October 1984

Waqtiga uu wax baranayay: Lama diiwaan galinin

Shaqadiisa: Shaqaalaha ceelasha saliidda qoda

Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waxaan rajeynayaa inaan maalin maalmaha kamid ah dib u milicsan doonno waxyaabaha xun xun ee aan sameyneyno hadda, sida sixirooleyaashii aan gubnay. Waxaan doonayaa in qof walba uu ogaado inaanan waxba u qabin. Waan wada cafiyay. Waxaan rajeynayaa in qof walba oo aan wax ka halleeyay uu i cafin doono.

“Maantoo dhan waxaan u duceynayay [qofka dhintay] xaaskiisa, si ay xumaanta qalbigeeda ku jira isaga saarto, sababtoo ah xumaantaas qalbigeeda ku jirta ayey cadaab ku gali kartaa sida dambiyada kale loogu galo naarta. Raalligalin ayaan siinayaa qof walba oo aan khalad ka galay. Waxaan rajeynayaa inay dhammaantood i cafiyaan.”

2px presentational grey line

James Russell

A red apple

Xilligii la dilay: 19 September 1991

Waqtiga uu wax baranayay: 10 sano

Shaqadiisa: Fannaan

Hadalkiisii ugu dambeeyay: Waxaa la sheegay inuu hadlayay saddex daqiiqo, laakiin qorin hadalkiisii, lamana duubin codkiisa.

2px presentational grey line

Jeffrey Allen Barney

A bowl of cereal with milk, a milk carton and two packets of Frosted Flakes

Xilligii la dilay: 16 April 1986

Waqtiga uu wax baranayay: Lama diiwaan galinin

Shaqadiisa: Lama diiwaan galininNot listed

Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waan ka xumahay wixii aan sameeyay. Waan u qalmaa ciqaabtan. Jesus i cafi.”

2px presentational grey line

Johnny Frank Garrett

A bowl of chocolate and strawberry ice cream

Xilligii la dilay: 11 February 1992

Waqtiga uu wax baranayay: Toddobo sano

Shaqadiisa: Xamaali

Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waxaan jeclaan lahaa inaan qoyskeyga uga mahadceliyo jacaylka ay ii qabeen iyo sida ay ii xannaaneeyeen. Adduunka intiisa kalena…[wuu caayay].

2px presentational grey line

William Prince Davis

A meal featuring chicken nuggets, rolls, beans, crisps and cola

Xilligii la dilay: 14 September 1999

Waqtiga uu wax baranayay: Toddobo sano

Shaqadiisa: Farsamo-yaqaanka dayactira saqafka guryaha

Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waxaan jeclaan lahaa inaan qoyskeyga u sheego sida aan uga xumahay xanuunka ay kala kulmeen ficilladii aan sameeyay… Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dhammaan ragga u xidhan toogashada ee jacaylka ii muujiyay muddadii sannadaha ahayd.

“Waxaan rajeynayaa in meydkeyga oo aan ugu deeqay seynisyahannada qeybo ka mid ah loo adeegsan doono in qof lagu caawiyo… Intaas ayaan dhihi karaa, taliye. Oh, Gabagabadii, waxaan leeyahay, maxay yihiin Cowboy-yadaas?”

2px presentational grey line

Gerald Lee Mitchell

A packet of sweets

Xilligii la dilay: 22 October 2001

Waqtiga uu wax baranayay: 10 sano

Shaqadiisa: Farsamada alwaaxyada iyo dhismaha

Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waan ka xumahay xanuunka. Waan ka xumahay qofka aan idinka dilay. Alle ayaan cafis weydiisanayaa. Idinkana waan idin weydiisanayaa. Waan ogahay inay idinku adkaan karto. Balse waan ka xumahay wixii aan sameeyay.

“Qoyskeyga waxaan leeyahay, kulligiin waan idin jeclahay. Is adkeeya. Ogaada inuu jacaylkeyga idinla jiro, mar walba. Illin farxadeed ii daadiya.

2px presentational grey line

Robert Anthony Madden

Ninkan wuxuu codsaday in raashinkiisa ugu dambeeya la siiyo qof hoy la’aan ah, ama darbijiif ah.

Laakiin codsigiisa waa laga diiday.

An image with the words: "Asked that final meal be given to a homeless person. (Request denied)."

Xilligii la dilay: 28 May 1997

Waqtiga uu wax baranayay: 12 sano

Shaqadiisa: Cunto kariye

Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waan idinka raalligalinayaa dadka idinka dhintay iyo xanuunka idin haya. Laakiin anigu dadkaas ma aanan dilin. Waxaan rajeynayaa inaan dhammaanteen wax iska baran doonno. Iyo inaan baran doonno sida loo joojiyo naceybka iyo aargoosiga, aana u midowno sidii loo eegi lahaa waxa ka socda adduunkan.

“Waan cafiyay qof walba oo ku lug lahaa arrintan, oo u muuqata inay khaldan tahay.”

2px presentational grey line

James Beathard

A meal featuring lettuce, onion rings, french fried, carrots and chicken nuggets

Xilligii la dilay: 9 December 1999

Waqtiga uu wax baranayay: 15 sano

Shaqadiisa: Farsamo-yaqaanka Mootooyinka

Kaddib markii dacwaddiisa la qaaday, markhaatigii ugu muhiimsanaa ee dacwad oogeyaasha ayaa diiday inuu ku markhaati furo, saddex kamid ah xubnaha dacwadda dhageysanayayna waxay soo jeediyeen in loo naxariisto.

Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waxaan rabaa inaan ku billaabo muujinta jacaylkii ay qoyskeyga ii hayeen. Ma jiro nin adduunkan ku nool oo iga qoys fiican aniga. Waxaan lahaa waalidiinta ugu wanaagsan dunida. Waxaan heystay nolosha ugu wanaagsan adduunka ee uu nin heli karo. Aad baan ugu faanayaa wiilkeyga iyo gabadheyda.

“[Waxaa jira] dhowr arrimood oo aan rabo inaan ka hadlo, maadaama xilligan uu yahay waqtiga yar ee qof walba uu dhageysanayo waxa aan sheegayo. Mareykanku wuxuu joogaa [heer] maanta [aysan jirin] qaddarin loo hayo nafta bani’aadanka. Geerideydu waa calaamad muujineysa cudur intan kasii weyn. Sidaas si lamid ah, dowladdu waa inay hurdada ka kacdo oo ay joojiso sameynta waxyaabaha lagu burburinayo dalalka kale iyo dilka carruurta aan waxba galabsanin. Cunaqabateynta raashinka iyo hubka ee hadda lagu hayo dalalka ay ka mid yihiin Iiraan, Ciraaq, Cuqa iyo meelo kale – waxba kama baddali doonaan adduunka waxayna dhibaateynayaan carruur masaakiin ah.

“Arrinta laga yaabo inay taas siyaabo badan uga muhiimsan tahay waa in waxa aan ku sameyneyso deegaanka ay sababayaan musiibo weyn, sababtoo ah inta aan ku sii soconno jihada aan haddo ku sii jeedno natiijadeedu waxba kama tareyso sida aan ula dhaqmeyno dadka kale, waayo qof walba sidaas ayuu uga tagayaa adduunka.

“Mid ka mid ah siyaabaha ugu yar ee ay runta bannaanka ugu soo baxdo, ama dadku ay mar uun ku ogaanayaan waxa socda [waa] ilaa inta aan ka taageereyno xorriyadda saxaafadda. Waxaan arkaa in saxaafaddu ay dhibaato ku wajahayaan sidii ay xor u noqon lahaayeen.”

 

Raashinka ugu dambeeya ee maxaabiista dilka u xidhan ay codsadaan waxaa taariikhdiisa laga heli karaa Madxafka Parrish Art, oo ku yaalla magaalada New York, ilaa31 January 2021.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this