Deeq A. Posted August 18, 2020 Faah-faahin: Wasiir xalay lagu dilay magaalada Jowhar Wararka naga soo gaarayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in magaalada dhexdeeda lagu toogtay wasiir ka tirsan Maamulkaas. Wasiirkii Beeraha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar karaani ayaa la sheegay inay kooxo hubeysan dileen xilli uu kasoo baxay Saaladda Cishaha. Wasiirka Cabdiqaadir Abuukar Karaani oo dhawaan xilkaan loo magacaabay ayaa lagu dilay Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar. Sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Warbaahinta Wasiirka ayaa waxaa toogtay kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaas oo meesha ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabelle ayaa soo gaaray meesha uu dilka ka dhacay, waxayna durba bilaabeen howlgal lagu baadi goobayo kooxihii dilka fuliyey. Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa Xildhibaannada iyo Mas’uuliyinta kale ee Dowladda uga digay inay Al-Shabaab ka geysan karaan dilalkan oo kale deeganada Dawlad Goboledka Hirshabelle, loona baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites