Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor: Shirkii Dhuusamareeb 3 waa furmay Qodobkii Doorashadana waan isku afgarannay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ,oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa shaaciyay in uu xalay si rasmiya u furmay Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa sheegay in Furitaanka Shirka looga hadlay Arrimaha Doorashada soo socota ee Soomaaliya, islamarkaana ay dhinacyadu si guud isugu afgarteen Qodobkii laga wada-hadlay ee Hannaanka Doorashada.

Madaxweynaha Galmudug, wuxuu tilmaamay in Shirka ay ka maqan yihiin Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo sida uu sheegay xanuunsan iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku baaqay in Madaxda ka maqan Shirka ay ka soo qayb-galaan, wixii ay tabasho qabaanna Shirka ka sheegaan.

Halkaan ka daawo Khudbaddiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Qoor Qoor: Shirkii Dhuusamareeb 3 waa furmay Qodobkii Doorashadana waan isku afgarannay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this