Sign in to follow this  
Deeq A.

Goofgaduud: Al-shabaab oo Askari Meyd Ah u Adeegsaday Dilka Saraakiil

Recommended Posts

Deeq A.   

Tiro  lix qof ka badan ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen halka shan kale ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Bay.

Qaraxa oo dhacay abaarihiin 5:45am ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyey kooxda weerarka soo qaaday ee Al-shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka ah oo ay wehliyaan kuwa Koonfur galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka dowladda federaalka ah ay marka hore dagaalka ku jabeen, laakin markii ay gurmad ka heleen Baydhabo dib ugu laabteen taas ay sii daba socotay qarax haleeyey saraakiil soo duugi rabay askari dagaalkii hore ku dhintay oo meydkiisa lagu xiray walxaha qarxa gudoomiyihii deegaanka Goofgaduud Buurey isaaq Cali  Isaaq (Isaaq Tuugey) iyo taliyihii saldhiga Xassan Bakac iyo 4 askari ee kale  halka dhaawacu uu marayo 5 askari.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this