Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeenka Farmaajo oo Laaley Sharciyadda iyo Shaqada Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha warbaahinta ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed ayaa qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa Faceboogga waxaa uu inkiray sharciyadda uu dastuurka KMG ah siinayo golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah, shaqadooda dastuuriga ah iyo dhammaan waxqabadkooda.

Cabdinuur oo ka jawaabayey hadalkii guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ee ahaa in madaxweyne Farmaajo khudbadiisa golaha shacabka dhexdeeda uu si layaab leh ugu xadgudbay dastuurka dalka ayaa isna laalay sharciyadda golaha isaga oo su’aal ka keenay cidda ay matalaan taasi oo ka hor imaaneysa qodobbo dastuurka ku jira.

Hadalkan afhayeenka Farmaajo ayaa laalaya Qodobka 61-aad ee tirsigiisa 3-aad iyo 71-aad ee dastuurka KMG ah oo qeexaya in aqalka sare uu matalo danaha dawlad goboleedyada iyo inuu yahay  ilaaliyaha nidaamka federaalka ah.

Aqalka sare ayaa ninka uu u shaqeeyo Cabdunuur ku eedeeyey in aanu akhrin dastuurka KMG ah, ogeyn in baarlamaanka federaalka ah uu labo aqal yahay, soona doorteen, loona baahan yahay in arrin kasta uu labadooda ula laabto.

Aqalka sare oo ka duulaya matalaadda uu sharciyan matalo danaha dowlad goboleedyada, kana eegaya xeer walba dhankaas ayaa waxaa uu ilaa iyo hadda meelmariyey 21 sharci oo ah kuwa kasoo gudbay golaha shacabka. ee baarlamaanka federaalka ah.

Goobjoog News

afhayeen.png

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this