Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Nacnac oo Somaliland ugu baaqay inay aqoonsato Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Xurguf iyo dagaal sanado badan soo jireen ah ayaa Israel ay ku qabsatay qeybo ka mid ah dhulka reer Falastiin, taas oo ay si weyn uga soo horjeedaan dalal badan oo Muslimiin ah.

Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Xildhibaanada Somaliland ayaa ugu baaqay xukuumadda maamulkaasi inay aqoonsato maamulka Yahuuda ee Israel.

Xildhibaanka oo saxaafada kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay wax dhibaato ah aysan ku jirin, haddii ay Somaliland aqoonsato madax banaanida Israel.

Hadalka Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ayaa imaanaya xilli dhowaan dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta ay sheegtay in ay Aqoonsadeen maamulka Israel.

Halkan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/cod-filsan-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this