Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Xaashi: Farmaajo wuxuu dafiray Jiritaanka Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   
Xaashi.png?resize=1000%2C563&ssl=1

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi, oo Maanta hadal ka jeedinayay Kulan ay yeesheen Golaha Aqalka sare, ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu ku xad-gudbay Dastuurka Dalka.

Guddoomiye Xaashi, wuxuu sheegay in Khudbaddii u dambaysay ee Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka uu si cad ugu dafiray Jiritaanka Aqalka Sare ee Baarlamanka oo Wakiil ka ah Dowlad Goboleedyada Waddanka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweynuhu meel ka dhac ku sameeyay Nidaamka Federaalism-ka ee Dalka u yaalla, islamarkaana dhammaan Awoodihii Labada Aqal ee Baarlamanka uu ku ururiyay Golaha Shacabka oo keliya.

Mudane Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale xusay in aysan jirin cid ka sarraysa Sharciga iyo Dastuurka waddanka sidaasi darteedna ay tahay in la ilaaliyo ku dhaqanka Dastuurka iyo Nidaamka Federaalka.

Halkaan ka daawo Hadalkiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Cabdi Xaashi: Farmaajo wuxuu dafiray Jiritaanka Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this