Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare oo kulan gaar ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudiga joogtada golaha aqalka sare ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah, waxaana shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS , Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Fadhigan ayaa waxaa looga hadlay dhowr qodob oo ay ka mid tahay wada hadallada ka socda Dhuusa Mareeb.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir bukhaari ) ayaa kulanka ka dib saxaafadda u sheegay in ay ku bogaadinayaan Galmudug Gogosha nabadeed ee ay u fidiyeen Ummada Soomaaliyeed , halkaas oo ay uga hadlayaan aayahooda.

Mudane, Bukhaari ayaa mas’uuliyiinta shirka ka qayb galaysa ugu baaqay in ay ka mira dhaliyaan waxyaabaha ay ka wada hadlayaan iyo wixii shirka kasoo baxa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this