Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Dowladda Maraykanka oo Saldhig Ciidan laga siiyay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
9-2.jpg?resize=731%2C537&ssl=1Sawir hore: Deni iyo Gen. Townsend

Ilo wareedyo kala duwan oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada Maraynka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ay kulan qarsoodiya ku yeesheen Caasimadda Waddanka Jabuuti.

Kulankaas oo ay adagtahay in xog sugan laga helo, ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray Arrimo la xiriira Saldhig Ciidan oo Taliska AFRICOM ka samaysanayo Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, kaas laga qaadi doono Hawlagallada ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab iyo Daacish.

Saldhiga cusub, waxa Hawlgallo wadajir ah ka qaadi doona Taliska AFRICOM iyo Ciidanka Xoogga Puntland ee loo yaqaan PSF, si loo wiiqo Awoodda Al-shabaab iyo Daacish ku leeyihiin Buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

13-kii February 2020, Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) Gen. Stephen J. Townsend ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tegay Magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyne Deni.

Gen. Townsend iyo Madaxweyne Deni, ayaa xilligaas ka wada-hadlay Hawlgallada La-dagaallanka Argagixisada iyo Saldhiga Boosaaso, inkastoo Warbaahinta laga qariyay Arrimaha Saldhiga.

PUNTLAND POST

The post XOG: Dowladda Maraykanka oo Saldhig Ciidan laga siiyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this