Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Filish oo cadeeyey mowqifkiisa doorashada 2020/2021

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa cadeeyey mowqifkiisa ku aadan doorashada soo socota ee 2020/21-ka.

Cumar Filish oo la hadlayey boqolaal dadweyne ah ayaa sheegay inuu taageerayo qorshaha ay wado dowladda Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda hadda jirta ay fursad muhiim ah siisay dhalinyarada, si ay qeyb uga noqdaan hoggaanka dalka iyo dhaq-dhaqaaqyada dhanka siyaasadda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli aan lagu heshiin nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020 illaa marka la gaaro sanadka xiga ee 2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this