Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta Ah Ee Qaaradda Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

unnamed-3-3-1024x683.jpg

Heshiiska goluhu ay meel mariyeen oo ay wada gaareen 55 wadan oo qaaradda Afrika ah ayaa qeexaya in dhammaan wadamada saxiixay heshiiskan ay meesha ka saaraan caqabadaha ganacsiga si badeecadaha wadamadaas ay xuduudaha isaga gudbaa si xur ah.

unnamed-1-4-1024x683.jpg

Ujeeda aasaaska AfCFTA ayaa salka ku heysa abuuridda hal suuq oo iskaga gudbaan badeecadaha iyo adeegyada ganacsi si xur ah, in la helo dhaqdhaqaaqa xurta ah ee ganasatada iyo maalgashadaayasha qaaradda dhexdeeda ah, in la balaariyo ganacsiga gudaha Afrika iyada oo loo maraayo iswaafajin wanaagsan iyo isu-duwidda xoreynta ganacsiga, Fududeynta ganacsiga iyo Kobcinta tartanka warshadaha iyo heerarka shirakadaha.

unnamed-2-3-1024x683.jpg

Janaayo 2012 ayaa fadhi ay isugu yimaadeen Madaxda wadamada ku bahoobay midoowga Afrika shirkoodii 18aad oo ka dhacay Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa lagu ansixyay in la aasaaso Aaagga Ganacsiga Xorta ah ee Africa (AfCFTA).

Screen-Shot-2020-08-13-at-7.39.38-PM-102

Kulanka maanta oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka iyo xaaladda COVID-19 ayaa waxaa guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed

unnamed-8-1024x683.jpg

Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa AfCFTA waxay fursad u heleysaa in waxyaabaha gudaha laga soo saaro ay caqabad la’aan ugu iib geyso qaaradda dhexdeeda, inay marti geliso maal gashadayaasha, inay isku xirto ganacsiga iskaga gooshaya koonfurta iyo waqooyiga qaaradda Afrika ayaga oo marin ka dhiganayaa biyaha badweynta Hindiya, Ganacsi abuur iyo in si dhameestiran looga faa’iido soosaaridda kheyraadka dalka, si oo iibgeeyo.

Screen-Shot-2020-08-13-at-7.38.46-PM-102

Halkan Ka Daawo Go’aanadii Ka Soo Baxay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this