Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Isbedel maanta ka dhacay Xabsiga Dhexe kadib weerarkii Isniinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta bedelay dhamaan ciidanka ilaalada Xabsiga Dhexe iyo qaar ka mid ah ciidanka ku sugan kontaroolada laga soo galo Xabsiga.

Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in ciidanka dhamaantood maanta la badalay lana keenay kuwa kale oo ka tirsan Asluubta.

Arintaan ayaa la xariirtii weerarkii Xabsiga Dhexe ka dhacay kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, waxaana jira hadal heyn badan iyo shakiyo oo arintaas ku saabsan.

Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in isbadalkaan uu saameen doono goobo badan oo ka tirsan Xabsiga Dhexe iyo kontaroolada ku dhaw dhaw.

Weerarkii Isniintii Todobaadkaan ka dhacay Xabsiga Dhexe ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 19 qof iyo dhaawac tiro kale waxaana la sheegay in dowladu ay wajaheyso fadeexad weyn oo ka dhalatay weerarkaas.

Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta la kulmay guddi uu u magacaabay inay soo baaraan weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha guddiga ayaa kla ah Xasan Xuseen Xaaji oo ah Wasiirka Cadaaladda oo ah guddoomiyaha guddiga, iyo Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan , Taliyaha Ciidanka Asluubta, Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada iyo Gaashaanle Sare Guuleed Sheekh Xuseen Aadan Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada.

Kulankan ayaa ayaa imanaysa iyadoo dadka ay su’aalo badan iska weydiinayaan sida ay wax uga dhaceen xabsiga dhexe, iyo sida ay hubka ku heleen maxaabiistii Shabaab ee weerarka gaystay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this