Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhacdo yaab leh:Dad dhagax tuuray.khalkhalna geliyey kolonyo Gaadiida oo uu la socday madaxweyne oo lagu xukumay xabsi 30 sano ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dad dhagax tuuray.khalkhalna geliyey kolonyo Gaadiida oo uu la socday madaxweyne oo lagu xukumay xabsi 30 sano ah

Madaxweyne Evariste Ndayishimiye
Madaxweyne Evariste Ndayishimiye

Maxkamad ku taalla waqooyiga Burundi ayaa saddex oo isugu jiro labo rag ah iyo haweeney ayaa 30 sano oo xabsi ku xukuntay kaddib markii la sheegay inay isku dayayeen inay dilaan madaxweynaha cusub ee dalkaas Evariste Ndayishimiye.

Waxaana la sheegay in dadkan ay dhagax tuureen kolonyo baabuur ah oo uu la socday madaxweynaha.

Dacwad oogaha ku sugan halkaas ayaa ka codsaday maxkamadda gobolka Kayanza in dadkan ay ku ridaan xabsi 3 ilaa 7 sanno ah markii ay khalkhal geliyeen amniga madaxweynaha balse maxkamadda ayaa sheegtay inay isku dayayeen inay qaarijiyaan madaxweynaha isla markaana ay ku riday xukun 30 sano oo xarig ah, sida uu ku warramay raadiye maxalli ah.

Saddexdan qof ayaa ka shaqeynayay kaalin shidaal oo ku taalla gobolka Kayanza, waxaana lagu eedeeyay inay dhagaxyeeyeen kolonyada madaxweynaha oo marayay goobta ay ka shaqeynayeen illi madaxweynaha uu booqasho ku joogay toddobaadkii lasoo dhaafay halkaas.

Dadkan la xiray waxay beeniyeen eedeymaha loo jeediyay.

“Dhacdada kaddib waxaa la xiray dad badan, qaar kamid ah dadkaas ayaa lasoo daayay balse haweeney iyo labo nin oo ka shaqeyneyay kaalinta shidaalka ayaa la xiray, waxaana xukun lagu riday Axaddii” waxaa sidaas BBC u sheegay mid kamid ah dadka ku sugan magaalada Kayanza.

Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ayaa lagu wadaa in uu xilka si rasmi ah u qabto 20 bishan, inkasta oo bishii Juun la caleemo kaddib geeridii ku timid madaxweynihii dalkaas Pierre Nkurunziza.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this