Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dagaallo iyo duqeymo xalay ilaa maanta ka socday Jubbooyinka iyo Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimada Online) – Dagaal ku bilaawday duqeymo diyaaradeed oo xalay saqdii dhexe billowday ayaa ilaa hadda waxa uu ka socdaa degaano ka tirsan gobalka Jubada Hoose.

Diyaarado dagaal ayaa Xalay duqeeyay Saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaano ka tirsan Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, halkaas oo ay daganaayeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana maanta barqadii weerar soo qaaday Al-Shabaab, weerarkaas oo la sheegay inuu daba joogo duqeymihii xalay.

Dagaalka oo qaatay muddo saacado ah ayaa goordhaw soo gaba-gaboobay waxa uuna ka dhacay degaanka Jannaay Cabdalle oo ku yaala duleedka magaalada Kismaayo, sida aan xogta ku helnay.

Saraakiisha Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay soo qaadeen Al-sShabaab, kaas oo ka dhacay duleedka Kismaayo.

Sidoo kale Saraakiisha Milateriga ayaa sheegay in dagaalamayaal badan oo Al-Shabaab ah lagu dilay duqeymihii dhacay Xalay islamarkaana dagaalkaan uu ka dhashay kadib markii Al-Shabaab ay duqeyntaasi ku waayeen xubno sare.

Wali si rasmi ah looma haayo khasaaraha rasmiga ah marka laga reebo sheegashada Milateriga oo ah in ay dileen tobaneeyo Al-Shabaab kadib duqeyn xoogan oo ay ka fuliyiin Jubbooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this