Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudug: Xogta ‘Shir’ Telefoon Oo Al-shabaab Lala Wadaagay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (PP) — Shir telefoon oo lagu tilmaamay mid uu Cabdiladiif Muuse Sanyare, Guddoomiyaha Gobolka Mudug qaybta Puntland, abaabulay ayay idaacadda Al-furqaan oo Al-shabaab taageerta soo saartay.

Ma jirto wax caddaynaya inuu shirku qabsoomay hase ahaatee qarsoodi ma aha in xogta shirarka teleefon aan la dhowri karin. Arrimmaha shirka lagaga hadlay waxaa ka mid ah qorsheyaal maamulka Mudug damacsan yahay inuu wax kaga qabto nabadgelyodarrada Waqooyiga Mudug saamaysay.

GAALAKCYO.gif?w=1000&ssl=1 Waqooyiga Mudug

Puntland Post ayaa isku dayay inuu xiriir la sameeyo maamulka Mudug hase ahaatee may bixinin wax faallo ah oo ku saabsan “shirka” xogtiisa Raadiyo Al-furqaan soo saaray.

“Waa gef amni in shir taleefoon lala yeesho dad aan ka mid ahayn maamulka ama la abaabulo marka uusa jirin hab ka hortagaya in sirta amni oo loo dusiyo kooxo halis ku ah amniga Puntland” ayuu yiri xeeldheere amniga oo Boosaaso jooga oo aan doonaynin in magaciisa la xuso.

Al-shabaab ayaa dilal qorsheysan ka fulisay magaalada Gaalkacyo. Shalay waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland kaddib markii ciidammada Puntland isku dayeen inay xerada warshaddii kabka ka saaraan maleeshiyo deggan halkaas. Maamulkii Cabdiweli Gaas ayaa ganacsato ka iibiyay xerada.

© Puntland Post, 2020

The post Mudug: Xogta ‘Shir’ Telefoon Oo Al-shabaab Lala Wadaagay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this