Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Mahdi Guuleed Oo Gobolka Banaadir Maqaam La’aan Ah Kula Dhaqantay Xeerka Federaaleynta

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Soomaaliya oo dadaal xooggan ugu jirta tayenta heerka waxbarasho ee dalka iyo daadejinta hannaanka loo maamulo waxbarashada, ayaa maamulka gobalka ku wareejisay mas’uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda.

Muuqaalada-Munaasabadda-wareejinta-waxba

Ku wareejinta maamulka gobalka maamulka waxbarashada ayaa ka dambeeyay is-afgarad dhex maray wassaaradda waxbarashada oo horay u maamuleysay iyo maamulka gobalka.

unnamed-3-1-1024x683.jpg

Ujeedada is-fahamka uu maamulka gobalku kula wareegay waxbashada caasimadda ayaa ah in waxbarashada loo daadejiyo heer gobol, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in gobolka qaato masuuliyadda waxbarashada caasimadda.

unnamed-1-1-1024x683.jpg

Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka, ayaa
munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay bulshada gobalka Banaadir iyo guud ahaan hagaajinta waxbarashada ay u leedahay in maamulka gobalku uu la wareego mas’uuliyadda waxbarashada gobalka.

unnamed-5-1024x683.jpg

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo guul weyn ku tilmaamay daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa maamulka gobalka kula dardaarmay in sida ugu haboon ay uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda maanta lagu wareejiyay.

unnamed-2-1024x683.jpg

 Heshiiskaan is-fahamka ah ayaa ku dhisan sharciyad, sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Screen-Shot-2020-08-09-at-4.46.01-PM-102

Halkan Ka Daawo Hadal Jeediintii Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Guuleed

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this