Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Mahdi Guuleed oo Gobolka Banaadir oo Maqaam La’aan ah Kula Dhaqantay Xeerka Federaaleynta

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida maanta la shaaciyey xukuumadda federaalka ah ayaa waxbarashada maamulkeeda ku wareejisay gobolka Banaadir.

Ku wareejinta maamulka Gobalka maamulka waxbarashada ayaa ka dambeeyay is-afgarad dhex maray wassaaradda waxbarashada oo horay u maamuleysay iyo maamulka gobalka.

Ujeedada is-fahamka uu maamulka Gobalku kula wareegay waxbashada caasimadda ayaa ah in waxbarashada loo daadejiyo heer gobol, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in Gobolka qaato masuuliyadda waxbarashada caasimadda.

Gobolka ayaa maanta laga bilaabo mas’uul ka noqon doona qorshaha, tayeynta, maamulka iyo kormeerka waxbarashada iskuullada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka, ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay bulshada gobalka Banaadir iyo guud ahaan hagaajinta waxbarashada ay u leedahay in maamulka gobalku uu la wareego mas’uuliyadda waxbarashada Gobalka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane; Mahi Maxamed Guuleed oo guul weyn ku tilmaamay daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa maamulka gobalka kula dardaarmay in sida ugu haboon ay uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda maanta lagu wareejiyay.

Heshiiskaan is-fahamka ah ayaa ku dhisan sharciyad, sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this