Sign in to follow this  
Deeq A.

Muraayadihii Mahatama Gandhi oo miiska xaraashka saaran+Cadadka Lacagta lagu iibinaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muraayadihii Mahatma Gandhi oo miiska xaraashka saaran+Cadadka Lacagta lagu iibinaayo

ghandiglass.jpg

Muraayadihii ama ookiyaalihii uu xidhan jiray halgamaagii reer Inida ee Mahatma Gandhi, midkood ayaa todobaadka dambe horaantiisa lagu xaraashi doonaa saylad xaraash oo ku taal magaalada Bristol.

Mid ka mid ah shaqaalaha East Bristol Auctions oo ah xarun agabka qadiimka ah lagu xaraasho ayaa muraayaddaa Isniintii ka helay baqshad ay ku jirtay.

Adrew Stowe oo ka tirsan shirkaddaa xaraashka agabka qadiimka ah ayaa sheegay in muraayadda la filayo in qiimaheedu gaadhayo £15,000 waxaanu intaa ku daray in ay tahay wixii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhd shirkaddaas.

Wuxuu sheegay in qofkii lahaa muraayaddaa ” wadnuhu is taagi gaadhay” markii loo sheegay qiimaha muraayadda.

”Qof ayaa noogu soo diray boosta Jimcihii, oo waxay iskaga jirtay ilaa Isniintii. Mid ka mid ah shaqaalahayaga ayaa bashqadda ii dhiibay oo igu yidhi waxa laa socda qoraal sheegaya in ay tahay muraayaddii Gandhi”, ayuu yidhi Stowe.

” Dabeedna hawl maalmeedkaygii baan iska sii watay, intaan idhi waaba arin xiiso leh waxani”.

Hase yeeshee markii uu baadhay, ayaa Stowe waxa uu sheegay inuu ”kursiga ka dhici gaadhay” markuu arkay muraayaddan goobaabada ahi in ay tahay tii uu xidhan jiray halgamaagii xuquuqda dadka reer India.

”Waxaan telefoon u diray qofkii noo soo diray, waxaanan u malaynayaa markaan u sheegay in isagana wadnuhu istaagi gaadhay”, ayuu yidhi.

ghandiglass1.jpg

Stowe wuxu sheegay in qofkii muraayaddan lahaa uu u sheegay inuu qoyskiisu muddo dheer jiil ba jiil u soo gudbinayey oo qof ka mid ah awowyaashii kula kulmay Gandhi qudhiisa dalka Koonfur Afrika sanadihii 1920 yadii.

”Waxaanu dib u hubinay taariikhda la sheegay, wixii la noo sheegay oo dhamina sax ayay noqdeen ilaa xataa taariikhda markii ugu horraysay ee Gandhi bilaabay inuu xidho ookiyaaleyaasha noocan ah” ayuu dyidhi.

”Waxa suurto gal ah in muraayadii ugu horraysay ee loo qoray ay tahay maadaama oo cabirka digriigu yahay mid aan aad u badnayn. Waxaana lagu yaqaanay inuu wixiisa hadyad ahaan dadka u siin jiray” ayuu yidhi.

Stowe waxa kale oo uu sheegay in muraayaddani xiiso gaara dadka ku abuurtay, gaar ahaan dadka reer India, laakiin arinta nasiib wanaagga ahi waxa weeyi in ay isaga u soo gacan gashay.

”Bushqadda waraaqaha lagu rido ayay iskaga jirtay” ayuu yidhi.

”Waxa suurto gal ah in la xadi lahaa amaba si ismoodsiis ah xashiishka loogu dari lahaa. Run ahaantii muraayaddani waa wixii ugu qiimaha badnaa ee shirkaddu weligeed gacanta ku dhigto” ayuu intaa ku daray.

Muraayaddan waxa lagu xaraashi doonaa internet-ka bishan Ogost 21 keeda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this