Sign in to follow this  
Deeq A.

Liiska 7-da Qof oo Caana oo lacagta ugu badan ka sameeya App-ka TikTok?+Dalalkay u dhasheen & Cadadka Qof waliba ka helo

Recommended Posts

Deeq A.   

Liiska 7-da Qof oo Caana oo lacagta ugu badan ka sameeya App-ka TikTok?+Dalalkay u dhasheen & Cadadka Qof waliba ka helo

Jaraa`idka Forbes ayaa soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin dadka caanka ah ee lacagta badan ka sameeya aaladda TikTok ee uu Mareykanku damacsan yahay in uu dalkiisa ka mamnuuco.

Xubnaha ku qoran liiskan oo 7 gaaraya ayaa dhamaantood wada ah Mareykan, waxaana aad u saameyn doona xeerka madaxweyne ee lagu xirayo TikTok 45 casho kadib, haddii uusan ilaah faraj kale u furin.

LIISKA:

NUMBER 7:  SPENCER X

7.png7. Spencer X

Spencer X waa 28 jir 40 milyan oo ruux ku xiran tahay. Waxaa ka shaqeystay sannadkii tagay aaladda Tik-Tok 1,2 million oo dollar.

Lacagta ugu badan ayaa waxaa uu ka kala helay shirkadaha Oreo iyo Sony kuwaas oo uu alaabohooda ugu xayeysiiyo bartiisa TikTok.

NUMBER 6: MICHAEL LE

6.png6: MICHAEL LE

Michael Le waxaa ku xiran dad kor u dhaafaya 35 milyan, waxaana uu sannadkii tagay ka helay TikTok lacag gaareysa 1,2 million oo dollar.

Shirkadda Bang energy drinks ayuu wax ugu xayeysiiyaa bartiisa TikTok.

NUMBER 5: JOSH RICHARDS

5.png5: JOSH RICHARDS

Richards waxaa ku xiran dad kor u dhaafaya 20 milyan oo ruux, waxaana uu sannadkii tagay ka helay TikTok lacag gaareysa 1.5 milion oo dollar.

Waxaa uu ku xayeysiistaa bartiisa shirkad cabitaanada sameysa oo uu isagu leeyahay.

NUMBER 4: LOREN GRAY

4.png4: LOREN GRAY

Loren Gray waa gabar iyadu isku soo shaac bixisay dhanka fanka, waxaana saaciday TikTok oo ay kusoo bandhigtay heynadeeda faneed. Waxaa markii la arkay mucjisadeeda dhanka fanka horay heshiis kala gashay shirkadda wax duubta ee Virgin Records taas oo ka duubatay 8 heesood oo shgaac baxay.

Waxaa ku xiran barteeda TikTok dad gaaraya 46 milyan. Waxaa ay TikTok ka shaqeysatay lacag gaareysa 2.6 million oo dollar.

Inta badan waxaa ay lacagtaasi ka heshay shirkadaha Skechers, Hyundai, Burger King iyo Revlon oo ay wax u xayeysiiso.

NUMBER 3: DIXIE D’AMELIO

3.png3: DIXIE D’AMELIO

Waxaa ay walaal ka weyn la tahay gabadha ugu caansan TikTok adduunka oo lagu magacaabo Charli D’Amelio.

Waa heesaa, waxaana barteeda TikTok ku xiran 32,8 milyan oo ruux. Waxaa ay TikTok ka heshay sannadkii tagay lacag dhan 2,9 million oo dollar.

Waxaa lacagta inta badan ay uga soo xaroodeen shirkadaha Hollister og Morphe.

NUMBER 2: CHARLI D’AMELIO

2.pngCharli D’Amelio

Charli D’Amelio waa boqoradda TikTok, waxaana ay ka yartahay gabadha ka koreysa, waana 16 jir.

Kaalinta labaad ayay kaga jirtaa dadka ugu caansan TikTon adduunka oo dhan, waxaana ku xiran barteeda 77 milyan oo ruux.

Lacag gaareysa 4 million oo dollar ayay kasoo xareysay TikTok sannadkii tagay.

NUMBER 1: ADDISON RAE EASTERLING

1.pngEasterling

Easterling waa gabaddha ugu dhaqaalaha badan TikTok, waxaa ku xiran dad gaaraya 54,2 milyan.

Sannadkii ugu dambeeyay waxaa ay ka shaqeysatay TikTok lacag gaareysa. 5 million oo dollar.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this