Sign in to follow this  
Deeq A.

QM: 200,000 oo Qof Ayaa Ku Barakacay Fatahaadaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa waxaa ay waxyeelo u geysteen in ka badan 191,800  oo qof inta u dhaxeysay May iyo July, sidaasi waxaa ay sheegay hey’adaha banii’aadnimada.

Hey’adda OCHA ayaa sidoo kale ka hadashay in sababaha ay dad badani uga barakaceen goobihii ay deganaayeen ee ka tirsan gudaha Soomaaliya.

“Xagaaga datiisa, waxaa laga barakacay goobo badan oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ka jira dabeylo xooggan iyo cimmilo hoose” sidaa waxaa tiri OCHA.

Meelaha uu barakaca saameeyey waxaa ka mid ah Hirshabele, Koonfur galbeed iyo Jubbaland, waana biyo baxa ka dhashay webiyada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this