Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo guddi cusub magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa magacaabay guddi qaabilsan Qaban-qaabada iyo Diyaarinta Kalfadhiga labaad ee Golaha Wakiilada Galmudug oo dhowaan furmi doona.

Guddiga oo ka kooban shan xubnood oo ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa loo xil saaray Diyaarinta Xafladda Furitaanka Kalfadhiga labaad ee Baarlamanka Galmudug iyo Casumaadda Martida ka qayb-galaysa Furitaankaas.

Xubnaha Guddiga waxay kala yihiin Xil. Cabdulqaadir Juune Barre Xil. Axmed Cabdirisaaq Cabdullaahi, Xil. Axmed Maxamed Faarax, Xil. Xassan Xirsi Xaashi iyo Xil. Muxiyadiin Shiikh Cabdullaahi Cismaan.

Halkaan ka akhriso Magacaabidda

Guddiga.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo guddi cusub magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this