Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka wada-tashiga Mudulood oo war murtiyeed laga soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Khamiis ah 6-da bisha August waxaa Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey shirka wada-tashida beesha Mudulood, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah.

Shirka oo qaatay muddo afar cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay Duubabka Dhaqanka, Culimaa’udiin, Siyaasiyiin, Haween iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale waxaa goob-joog ahaa shirka Madaxweynayaashi hore ee dalka Mudane Cali Mahdi Maxamed, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxameed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Intii uu socday shirkan ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu horreyso xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020/21.

Halkan hoose ka akhriso:20200806_153906.jpg 20200806_154001.jpg 20200806_153933.jpg 20200806_154027.jpg 20200806_154041.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this