Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-Qoor oo markale faah-faahiyey shirka wada-tashiga Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa isaga oo ku sii jeeday dalka Turkiga waxa uu sheegay in shirka wada-tashiga ah ee dowladda iyo dowlad goboleedyada uu ka dhici doono Dhuusamareeb waqtigii loo asteeyey.

Qoor-Qoor ayaa xusay in magaalada Muqdisho uu u joogay maalmahan sidii madaxda dowladda iyo beesha caalamka uu ugala hadli lahaa arrimaha shirkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in is-afgarad ay ku soo dhammaadeen kulamo kala duwan oo uu la qaatay dhinacyadaasi.

Ugu dambeyn wuxuu ka digay in shirka Dhuusamareeb lala yimaado talaabo caqabad ku noqon karta xaaladda dalka oo haatan ku jira marxalad kala guur ah.

15- bishan August ayaa waxaa la filayaa in mar kale madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ay isugu tegaan magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this