Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Waddanka Koonfur Afrika ayaa laga soo xigtay in gudaha Dalkaasi lagu dilay muwaaddin Soomaaliyeed oo halkaasi ganacsi ku lahaa.

Koox hubaysan oo burcad u dhashay koonfur Afrika ayaa la sheegay in ay gudaha magaalada Darban ee Koonfur Afrika ku dileen muwaaddinkaas Soomaaliga ah oo goob ganacsi ku lahaa Darban.

Burcadkii dilka u gaystay marxuumka ayaa goobta ka baxsaday kadib markii ay bililiqo u gaysteen xaruntiisi ganacsi sida laga soo xigtay xubnaha Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Faarax ayaa kamid ahaa Soomaalida ka carartay Colaadihii dalka ka dhacayay islamarkaana ganacsiga ka sameeyay waddanka Koonfur Afrika.

PUNTLAND POST

The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this