Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiriirka Kubbadda Cagta Jubbaland Oo Xafiis Qalabaysan Ku Wareejiyay Ciyaartoydii Hore

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiriirka Kubbadda Cagta Jubaland ayaa xafiis ugu furay magaaalda Kismaayo ciyaartooydii hore Gobolka Jubada hoose waxaana wareejinta xafiiskan ka soo qeyb galay in badan oo ka mid ahaa laacibiintio hore Jubadda Hoose,madaxda xiriirka kubbadda cagta iyo agaasimaha wasaarada isboortiga iyo dhallinyarada Jubaland, waxayna tani noqonaysaa qiimo gooni uu siiyay isboortiga Jubaland.

110145737_106014261204732_58876485042022

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda cagta Jubaland Axmed Taqal (Timajilac) oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in xafiiskan uu qeyn weyn ka qaadanayo horomarka iyo guulaha isboortiga Jubaland. Hp.00_00_46_12.Still001-1024x768.jpg

Qaar ka mid ciyaaryahandii hore Jubbadda hoose ayaa u mahad celiyay madaxda Xiriirka kubbadda cagta iyo mas’uuliyeenta maamulka Jubaland,iyagoo sheegay in helitaanka xafiiska oo door wanaagsan ka ciyaari karo guulaha ciyaaraha deeganada kala duwan ee Jubalnd.

116106919_105674164572075_55644638333753

Agaasimaha ciyaaraha iyo dhallinyarada Jubaland Cabdiraxmaan Xaaji Cabdi  ayaa bogaadiyay da’daalka ay wadaan ma’suuliyeenta Xiriirka kubbadda cagta,wuxuuna intaa ku daray in howshan ay furo u noqonayso in lagu daysado Jubaland maamulada kale ay qiimeeyaan dadkooda.

116132837_105674041238754_68826576169865

Si kastabada Xiriirka kubbadda cagta Jubaland ayaa wada da’daalo kala duwan oo dhinca horomarinta waxaana howlaha socda dhiiri geliyay dadka deegaanka ciyaartooydii hore Jubada hoose.

110145737_106014261204732_58876485042022

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xafiiska Loo Furay 

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this