Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Abshir oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Drs Xaawo Cabdi Dhiblaawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddomiyahe ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya  Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa ka tacsiyeeye geerida ku timid allah unaxariistee Drs Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo saaka ku geeriyootay gudaha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri” Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Allaha u naxariisto Dr. Xaawo Cabdi, dembi dhaaf ballaarana Eebe ha siiyo. Tacsi tiiraanyo leh ayaan u dirayaa qoyskeeda & dhammaan ummada Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye Abshir Maxamed Axmed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Drs Xaawo aheyd shakhsi kaalin weyn ka soo qaatay daryeenka hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed” Dr. Xaawa Cabdi waxa ay ahayd hooyo daryeesha hooyada & dhallaanka Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye Abshir Maxamed Axmed.

116871202_347839049942942_1323724780118391615_n.jpg?_nc_cat=104&_nc_sid=b96e70&_nc_ohc=iMiJI18TLF4AX84OG2g&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=35866a3b1c30b6b8f1ef3452c9791892&oe=5F4E7589

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this