Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo la sheegay inuu diiday la kulanka safiirka Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Qin Jian oo maalintii saddexaad ku sugan magaalada Hargeysa ayaa lagu soo warramayaa in weli uusan la kulmin Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta dhalisay in weli aysan is arkin Madaxweyne Biixi iyo safiirka, balse waxaa qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland, maadaama uu dalka ka maqan yahay wasiir Yaasiin Xiir Faratoon.

Illaa iyo hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintaasi iyo inuu qabsoomi waayo kulanka Bixii iyo Qin Jian oo hoggaaminayo diblumaasiyiin ka tirsan safaaraddiisa.

Ujeedka safiirka u tegay magaalada Hargeysa ayaa ah sidii uu xukuumadda Somaliland ugala hadli lahaa xiriirka ay dhowaan la sameysay Jasiiradda Taiwan.

Muuse Biixi ayaa ka biyo diidan arrintaasi, waana sababta keentay inuu qaabili waayo safriirka oo horey uga horyimid heshiis ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this