Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno u ololeynaya muddo kororsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanno u ololeynayo muddo kororsi

 

.

Magaalada Muqdisho kulan ay isugu yimaadeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee barlamaanka federaalka oo kor u dhaafayay konton ayaa ku baaqay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sidii ay soo jeediyeen guddiga doorashooyinka qaranka taasoo u baahnaanaysa in waqti loogu daro hay’adaha dastuutriga ah oo waqtigoodu ku egyahay dhamaadka sannadkan iyo bilowga sannadka cusub.

“Waxa racaaya waa 8 bilood ma aha sannad..waayo baarlamaankaa ku eg 27-ka Diseembar, marka Jannaayo iyo Agosto waaye waxa laga hadlayo, hadde muddo kororsi wa ay dhici jireen..marka wax la yiraahdo muddo kororsi ma ahe waxaa waaye muddo kororsi howl farsamo darteed” ayuu yiri xildhibaan Cabdifitaax Qaasim oo kamid ahaa xildhibaanadii ka qeybgalay kulankaas.

Maamul goboleedyada, ururrada mucaaradka ah iyo bulshada rayidka ayaa horey u diiday wax muddo kororsi ah oo loo sameeyo dawladda federaalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this