Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Oo Xalay Cisbitaalka Ku Booqday Xildhibaan Dheeg Oo Xaalad Caafimaad La Soo Daristay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa xaalad caafimaad loo dhigay cisbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xalay ku booqday Xildhibaan Dheeg Cisbitaalka Hargeysa Internationalka Hospital oo xaalad caafimaad deg deg ah loo dhigay Xildhibaanka Qaybta ICU unit. Guddoomiyaha Xisbiga ayaa dhammaanba Umadda ka codsaday in ay Xildhibaanka u duceeyaan in u Alle swc caafimaad deg deg ah siiyo isaga iyo inta kale ee bukaanada ahba.

Xildhibaanka ayaa muddooyinki u dambeeyey xaalad caafimaad u yaalay Cisbitaalka weyn ee magaaladda hargeysa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this